Dacwad culus oo laga gudbiyey Safaarada Somalia ee dalka Sudan & RW Khayre oo ka hadlay

Ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Sudan ayaa dacwad kulul oo ka dhan ah Mauuliyiinta safaarada Somalia ee Khartuum u gudbiyey Raisul wasaare Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga dalka Sudan.

Guddoomiyaha Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Sudan C/qaadir Suldaan oo xalay ka hadlayey xaflad ka dhacday magaalada Khartuum ayaa Raisul wasaaraha hortiisa si cad uga cadeeyay dhibaatada baahsan ee ay Safaarada Somalia ee Sudan ku hayso ardayda dalkaas wax ka barata.

C/qaadir Suldaan ayaa sheegay in masuuliyiinta safaaradu ay ula dhaqmaan ardayda si arxan daro ah, wuxuuna goobta ka tiriyey qaar ka mid ah dhibaatooyinka ba’an ee ay ku qabaan madaxda safaarada, isagoo ka codsaday in laga bedelo, masuuliyiin cusubna loo soo magacaabo.

Dhibaatooyinka uu sheegay ayaa waxaa ka mid ah in safaaradu ay isdaba marin aan geed loogu soo gaban ku sameysay arday Khartuum lagu keenay deeq waxbarasho oo ay bixisay dowlada Sudan.

“Raisul wasaare haddii aad masuuliyiinta safaaradan nooga Tagto ogow dulmi wayn ayaad Naga gashay, Qofki ay Safaarada Somalia ee Sudan waraaqadi ka gasho waxa la dhahaa qof habaaran ayaad tahay” ayuu yiri isagoo ilmaynaya gudoomiye C/qaadir Suldaan.

Raisul wasaaraha Somalia oo munaasabadaas ka hadlay ayaa khudbadiisa ku sheegay inuu aad uga xun yahay cabashada ardayda, wuxuuna xusay inuu farayo Wasiirka Arrimaha dibeda oo wafdigiisa ka mid ah goobtana fadhiyey inuu wax ka qabto arrintan inta aysan dalka ku soo laaban, wuxuuna xusay ineysan u dulqaadaneyn in la dhibaateeyo arday Soomaaliyeed oo wax ku baraneysa xaalad adag iyo dal aan dalkooda aheyn.

Masuuliyinta safaarada Soomaalida ku leedahay dalka Sudan oo marar badan eedeymo noocan ah loo jeediyey ayaanan illaa hadda ka jawaabin cabashada ka soo yeereysa ardayda, mana jirto talaabo dowlada Somalia ay ka qaaday qeylo dhaanta  ardayda oo marar badan soo laalaabatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -