Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo tagay fariisimaha ciidanka Huwanta ka joogaan Xarardheere (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa oo maalmahan ku sugnaa Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa kormeer ku tagay fariisamaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanada hoostaga Xarardheere.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ciidamada qalabka sida ku boggaadiyay guulaha ay ka gaareen howlgalada lagu ciribtirayo Kooxda Al Shabaab ee wali ku sugan qeybo kamid ah deegaannada Galmudug.

Qoor Qoor oo ay la socdeen wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya  iyo xildhibaanno ayaa soo indha indheeyay farriisamaha ciidanka ka joogaan degmada Xarardheere iyo duleedkeeda.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Xarardheere oo laga saaray Al Shabaab, waxa ayna degmadan aheyd fariisinkii ugu weynaa ee Al Shabaab ku lahaayeen gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo Xus & dabaaldegyo aan horey uga dhici jirin lagu qabtay iyo Wahaabiyada oo…

Cabdi Cade

Qalab meel dheer ka ogaan kara qofka qaba Caronavirus oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidanka xoogga dalka oo Al-shabaab ku weeraray duleedka degaanka Budbud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---