Qalab meel dheer ka ogaan kara qofka qaba Caronavirus oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Dowlada Iran ayaa shaacisay in ay soo saartay qalab cusub oo loogu tala galay in lagu ogaado qofka qaba caabuqa Caronavirus, waxaana la filayaa in qalabkan wax badan ka taro ogaanshiyaha dadka qaba caabuqan dunida ku faafaya.

Taliyaha ciidammada Ilaalada Kacaanka islaamiga ah ee Iran Maj-Gen Xussein Salami, ayaa soo bandhigay qalab cusub oo gacanta lagu qabto kaa oo lagu ogaan karo dadka qaba caabuqa Caronavirus.

Wakaalada wararka ee Tasnim ayaa baahisay in qalabkan cusub uu soo bandhigay taliyaha ilaalada kacaanka lagu ogaan karo dadka qaba Caronavirus iyaga oo ku sugan masaafo gaareysa 100m (330ft), .

“Aasaaska aaladdani waa in la abuuro aalad soo jiidanaysa feyraska, sidaa darteed anteenada ayaa diiradda saari doonta meel kasta oo u jirta masaafo 100m ah oo uu fayrasku joogo, waxayna garan kartaa meesha cudurka uu ka Jiro muddo shan ilbidhiqsi ah” Maj-Gen Xussein Salami.

Caabuqa Caronavirus ayaa hada lagu ogaadaa baaris lagu sameeyo dheecaanka kaa oo lagu xaqiijiyo qofka qaba Caronavirs, waxaana hada socda tijaabooyin lagu sameenayo talaal iyo daawooyin cudurkan u roon iyo sidoo kale qalab sahlan oo lagu ogaan karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -