Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo Warbixin ka dhageestay Guddi wasiirro ah uu shaqo u diray (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin ka dhegaystay guddiyada heer wasiir ee ka shaqeynayay Gobolada Gardafu, Bari iyo Karkaar oo ay ka qabsoomtay diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha goleyaasha deegaanka .

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada la qabtay iyo sida bulshada saddexda gobol ay uga qeybgaleen isdiiwaangelinta una fahmeen muhiimada ay u leedahay in awooda loo dhoweeyo shacabka, wuxuuna Madaxweynuhu u rajeeyay gobolada kalena in ay sidaasi iyo si kasii wanaagsan uga qeyb qaataan.

Wasiirradan ayaa u sheegay madaxweynaha in bulshada Puntlnad gaar ahaan kuwa ay kala kulmeen saddexda gobol ay tageen uga muuqatay rabitaanka in codkooda ku ciil baxaan ayna si weyn isugu diiwaangeliyeen doorashada.

Kulanka waxaa ka qaybgalay La-taliyeyaasha Madaxweynaha, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Degmada Boosaaso, Agaasimaha Guud Madaxtooyada iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen R𝗮’𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 iyo 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 Difaaca 𝗞𝗲𝗻𝘆𝗮? (Sawirro)

Caydiid Ali

Isku day lagu soo xiri rabay Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo guuldareystay

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo kulan xasaasi ah ku leh Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---