Allbanaadir.com
NEWS

Qoys Dhaxal u heystay Imaamka Masaajid caan ah oo maxkamad laga Dacweeyay

Masjidka Jaamica ee magalaada Delhi ee dalka Hindiya oo haatan noqday astaanta dhaqanka iyo diinta ee gobolka, waxaa la dhisay xilliggii boqortooyadii Shah Jahan intii u dhexeysay sanadihii 1850-1856.

Boqorkan Mughal waxa uu imaamka masjidkan u magacaabay caalimkii Bukhara, Syed Abdul Ghafoor Shah Bukhari.

Imaamka masaajidkan ee hadda jooga ee Sayed Axmed Bukhaari ayaa isna ka soo jeeda qoyskan, dhammaan imaamyada halkan jooga waxa loo magacaabay masaajidka jiil ilaa jiil kale, waxayna kasoo jeedaan qoyskan.

Laakiin markii ugu horreysay, qof ka tirsan dadka deegaanka ayaa ka hor yimid qoyska imaamyada ka ah masaajidkan, wuxuu arrinta geeyay maxkamad.

Ninkan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa lagu magacaabaa Sohail Khan, wuxuuna warqad codsi ah u gudbiyay maxkamadda sare ee Delhi, waxaana warqadda ku qoran; “Ma jirto meel imaam-nimada ay noqoto dhaxaltooyo marka la eegayo mabaadii’da qofka u oggolaanayo in qofka uu masaajid ka noqdo”.

Isagoo la hadlayay BBC-da, Sohail Khan wuxuu yiri, “Imam Sahib wuxuu yiri Shah Jahan wuxuu ugu yeeray aabbayaasheen iyo awoowayaasheen imaamnimada, hadda Shah Jahan boqor ma ahan, magacyadiisii iyo qoyska oo dhan way baxeen, laakiin waxaa la yaab leh Mullah oo uu magacaabay Boqor Shah Jahan ayaa wali ka sii shaqeeya halkaas, waxa uu noqday nin ka weyn Boqor Shah Jahan”.

Waxaan ku iri; “Saldanadii meesha ayay ka baxday, Ingiriiskuna wuu ka baxay gobolka, laakiin weli ma dhammaan muddadii aad xilka heyseen, iyadoo taas la eegayo, codsigeygu wuxuu yahay in guddi loo saaro, ciddii loo arko inay ku habboon tahay imaamnimadana ha laga dhigo Imaam”.

Suhail Khan, oo ah ninka dacwadda ka gudbiyay imaamka masaajidka wuxuu deggan yahay Old Delhi, waana xubin hormuud ka ah xisbiga BJP ee dalka Hindiya.

Wuxuu ku eedeeyay “Imaamka masaajidka Delhi ee hadda wax walba oo la xiriira masaajidka iyo deegaanka wuxuu u adeegsadaa sida hantidiisa gaarka ah, isaga oo madax ka ah, masaajidkan taariikhiga ah masaajidka wuxuu halis ugu jiraa burbur.”

Ninkan deggan magaalada Delhi ayaa ku andacoonaya in uu muddo dheer la socday dhamaan arimaha ku saabsan masjidka Delhi sida uu sheegay imaamku waa in uu noqdaa qof qarii ah ama xaafid Qur’aanka ah ama qof caalim ah oo aqoon u leh imaam-nimada.

Masjid jaamiciga Delhi waa qaddiimi ah oo caan ka ah caalamka, sidaa darteed sheegashada dadka deegaanka gaar ahaan inay maamulaan ayaa noqotay arrin xasaasi ah.

Kadib dacwadda laga gudbiyay arrintani, maxkamadda Delhi waxay ka codsatay guddi la magacaabay inay eegaan magacaabista Imaamka masjid jaamica Delhi.

Xubin ka tirsan guddigan oo lagu magacaabo Wajia Shafiiq oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay, “Mawqifka guddiga la magacaabay, waa in magacaabista imaamyada aysan noqon kuwo dhaxal ah, balse la eego dhinacyada iyo arrimaha khuseeya Masjidka Jaamica”.

Wajiya Shafiq ayaa sheegtay in Maxkamaddu ay go’aan kasta ka qaadan doonto arinta, balse waxaa xaqiiqo ah in arrintan ay hadda noqotay dhaqan bulshada dhexdeeda laga aqbalay iyo guud ahaan arrin soo jireen ah.

Arrinta haatan soo ifbaxeysa ayaa inta badan ku saleysan dadka ku dhaqan agagaarka masjid jaamica Delhi ay si isku mid ah u taageersan yihiin qaabka loo dooranayo imaamyada, waxaana sida ay sheegeen qoyska Imaamka waqtigan ee Seyd Axmed Bukhaari ay qarniyo badan ka arriminayeen masjidka.

Wajiya Shafiq waxay tiri, “Imaamka haatan joogo ma ahan oo kaliya ah imaam balse waa astaanta dhaqanka, diinta iyo bulshada Delhi qaddiimiga aheyd”.

Masjid Jaamica Delhi, waxa uu door muhiim ah ku lahaa siyaasadda Hindiya dhowrkii sano ee la soo dhaafay, imaamka hadda jira waxa uu kaalin ka qaataa siyaasadda iyo sidoo kale imaamnimada, waxa uu qeyb muhiim ah ka yahay siyaasadda la xiriirta Muslimiinta Hindiya iyo xisbiyada siyaasadda.

Guddiga loo magacaabay inay kiiskan baaritaan ku sameeyaan oo ku nool magaalada Delhi ayaa baaritaanka u gudbiyay maxkamadda, waxaana dacwadda xigta ee la xiriirta kiiskan la dhageysan doonaa 8-da Febraayo.

Source-Bbc

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Maamulka Puntland oo goordhaw la doortay

Cabdi Cade

Faah faahino kasoo baxaya dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho iyo Sargaal lagu dilay

Cabdi Cade

Daawo: Khilaaf soo kala dhexgalay Qoor-qoor & Farmaajo iyo Musharaxiinta oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---