Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay nin iska duubay Muuqaal yaab leh

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay mid ka mida dareewallada gadiidka Booyadaha kaasoo iska duubay muuqaal isagoo labada lugood ku wada isteersada gaariga.

Booliska ayaa dareewallada uga digay in ay ku kacaan falalka noocan oo kale ah iyadoo falkan oo dad badan ka yaabiyey uu sababi karo shil halis ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

Ciidamada Booliska JSL garahaan hoggaanka  mabadgalyada waddooyinka ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Mahad Xariir Daahir oo baraha bulshada lagu faafiyay isagoo gaadhi Booyada u wada si  ka baxsan anshaxa gaadiidka iyo masuuliyada wadaasha baabuurta , waxaanu ku waday isteerinka cagaha.

Eedaysanaha ayaa ku gafay xeerka nabadgalyada Waddooyinka qodobadiisa kala ah 57 , 75 , 79 iyo 74 , waxaanu sidoo kale ku gafay xeerka ciqaabta guud qodobkiisa 167. Eedaysanayaha waxa degdeg loo horgayn doonaa Hay’addaha garsoorka JSL.

Taliska Ciidanka Booliska JSL , waxa  uu digniin u dirayaa darawallada ku shaqaysta booyadaha  iyo guud ahaan wadayaasha baabuurta inay ka waantoobaan arrimaha noocan oo kale ah , haddii ay joojin wayaan waxa  laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Related posts

Maxaa ka soo baxay kulan caawa dhexmaray Musharaxiinta & ergo ka socotay RW Rooble?

Caydiid Ali

Cartan Iley oo howlgal qorsheysan lagu dilay iyo Daahir Calasow oo la dhaawacay

Caydiid Ali

Al Shabaab oo galabta Dagaal kula wareegtay Deegaan ku dhaw magaalada Cadaado

Cabdi Cade
Taboola Ads ---