Madaxweyne Laftagareen oo Shaaciyay Muddada Al Shabaab uga saari doonaan KG

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftaagreen) ayaa sheegay in maamulkiisa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jiraan bilaabida howlgalo deegaannada maamulkiisa looga saarayo Al Shabaab.

Laftagareen oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in dhawwaan deegaannada maamulkaasi ka joogaan dagaalamayaasha Al Shabaab ka bilaabi doonaan howlgalo ay ku doonayaan in gabi ahaan uga saaraan.

Waxa uu sheegay madaxweynaha la dejiyay qorshaha howlgalkaasi ku bilaabanayo iyo ciidamadii fulin lahaa, waxa uuna xusay in Al Shabaab deegaannada Koonfur Galbeed uga saari doonaan muddo aan ka badneen hal bil.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in deegaannada Koonfur Galbeed intooda badan ku jirto gacanta maamulkiisa, waxa uuna xusay in Al Shabaab joogaan deegaanno yar yar iyo sidoo kale waddooyinka gala degmooyin katirsan maamulkiisa.

Hadalkan kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud maalin kahor ka sheegay Baydhabo in howlgalo ka dhan ah Al Shabaab laga bilaabi doono deegaannada Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -