Midowga Afrika oo War kasoo gaaray guulo waa weyn oo ay gaareen Ciidanka Xoogga Dalka

Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa ugu hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed xoreynta magaalooyinka Ceeldheer, Xaradheere, Galcad iyo Xiindeere ee Gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ciidanka xoogga dalka Al Shabaab ka saaraan degmooyin sannado badan heesteen, waxa uuna ballanqaaday in ay sii wadi doonaan siinta taageerada looga baahan yahay.

“Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo taageerda loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira”, ayuu yiri Danjire Souef.

Waxa uu sheegay Danjire Maxamed Al-Amiin Souef in Al Shabaab ay jabeen xilligan, waxa uuna xusay iyaga oo garabsanaya ciidanka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan in ay ka saaraan guud ahaan dhulka Soomaaliya si shacabku u helaan amni.

“Al-Shabaab waa ay jabeen waxaana anaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed sii wadi doonaa in aan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaaleba ”, ayuu Danjire Souef carabka ku adkeeyey.

Ciidamada ATMIS ee nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaan door muuqda xilligan ku laheyd howlgalada ka dhanka ah kooxad Al Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana dagaalka hadda iska kaashanaya ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -