Amarka lagula wareegayo Iskuulka 15-ka May oo la sheegay in lagu raali galinayo Itoobiya

Wasaarada waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa go’aamisay in ay si buuxda ula wareegto iskuulka 15-ka May oo maamulkeeda horey gacanta ugu hayeen Guddiga waxbarashada iyo Tacliinta dalka Masar.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay go’aankan Masaarida looga wareejinayo maamulka Iskuulka 15-ka May uu yahay sida uu tilmaamay mid lagu raali galinayo dowlada Itoobiya oo xiligan khilaaf kala dhaxeeyo dalka Masar.

”Amar lagu raali gelinayo Itoobiya oo lagu xiray Iskuulkii 15 May ee dowlada Masar maamuleysay, ardayda dhigatana lacag la’aan wax lagu bari jiray! horay hadii Qalbi Dhagax loogu dhiibay. Dekadihii dalka lagu wareejiyay. Qaraarkii Jaamacada Carabta ee dowlada Soomaaliya horay u taageertay amarkooda looga laabtay. Diyaradoodii dalka meeshii ay rabto maalin walba ka degayso kuwii kaloo xayiran. Maantana Iskuuladii amarkooda lagu xirayo, tolow maxaa haray?! ” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salad.

Hadalka Xuldhibaanka ayaa kusoo aadaya xili Dowlada Soomaaliya shaacisay in 20-ka bisha April la wareegeyso maamulka iskuulka 15-ka may, waxa ay sidoo kale arintan kusoo aadeysa xili dowlada Soomaaliya ka laabatay qaraar ay ku taageertay dowlada Masar kadib markii go’aankaasi ka carootay Dowlada Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -