Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Qarax xooggan ayaa goor dhaw ka dhacay halka ay iska galaan wadada Maka Al Mukarama  & isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Meel aan ka fogeyn barta Control ee laga ilaaliyo Madaxtooyada oo ku taalla isgoyska Sayidka ayuu ka dhacay qaraxani oo si weyn oo looga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino lagu soo qariyey jawaan wadada dhinaceeda la dhigay.

Goob joogyaal ayaa sheegay in labo qof oo shacab ah ay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa, kuwaasoo ku dhowaa goobta miinada la dhigay.

Qaraxa ka hor dad arkayey markii qaraxa goobta la dhigayey ayaa ciidamada ammaanka ku wargeliyey, waxaana qaraxu dhacay xili ciidamadu isku dayayeen iney xiraan goobtaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo si adag uga hor timid Qorshaha Internetka Starlink loogu xiriirinayo Qasa

Cabdi Cade

War Cusub oo kasoo kordhay Shirka Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamul goboleedyada

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in dalka Galiyay Marxalad aan horey loo arag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---