Somaliland oo eedeymo adag u jeedisay danjiraha Mareykanka u fadhiya Somalia

Somaliland ayaa si adag ugu eedeeyeysay safiirka Maraykanka u fadhiya Somalia oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho inuu si cad indhaha meer-meero adeegsiga magaca Somaliland.

War ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ku daabacday barteeda Twitterka ayey ku sheegtay in danjire Lary Andre marka uu ka waramayo Somaliland uu raaciyo Somalia

“Lama aqbali karo in Larry Andre oo ah danjiraha Muqdisho ee Maraykanku inuu si joogta ah uga dheeraado magaca saxda ah ee Somaliland isla markaana uu ka soo qaado gobol ka tirsan Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale ku eedeeyey in danjiraha uu magaalada Berbera raaciyo Soomaaliya. isagoo og baa la yiri inaanay Somaliland ka mid ahayn Soomaaliya.

Hadalka Somaliland ayaa lagu sheegay in qoraal ayaa ku soo aaday xili Maraykanka iyo xulafadiisa Afrika ay dhoolatus Milatari ka sameyn doonaan dhawaan xeebaha magaalada Berbera sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho oo aan lagu magac dhabin Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -