Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday askari dil argagax lahaa ka geestay Muqdisho

Maxkamadda darajada koobaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday, askari katirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka Xamar oo isbuucii hore dil argaax lahaa ka geestay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda oo la horgeeyay askariga dilka geestay oo lagu magacaabayya Qaasim Ducaale Cabdi ayaa ku heshay dambiga lagu soo eedeeyay oo ahaa in dil bareer ahaa u geestay Abuubakar Maxamed Nuurani.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in askarigan xukunka ku dhacay shan kun oo shilin Soomaali ah darteed u dilay aabe Soomaaliyeed oo goobyar oo ganacsi ku lahaa degmada Xamarweyne.

Dilka askarigan xukunka ku dhacay ka geestay degmada Xamarweyne ayaa dhaliyay carro badan oo ka timid bulshada, kuwaa oo codsanayay in si degdeg ah askariga gacan ku dhiiglaha ah loogu fuliyo ciqaabta dambiga uu galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -