Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad Rakaab siday oo burburtay iyo Khasaaro badan oo ka dhashay (Sawirro)

Wararka ka imaanaya dalka Nepal ayaa sheegaya in shil diyaaradeed oo dhaliyay khasaaro badan oo dhimasho saakay ka dhacay magaalada Kathmandu ee caasimadda Nepal.

Diyaaradda shilka gashay oo ay la socdeen 72 qof ayaa ka duushay magaalada Kathmandu, waxayna ku sii jeeday Degmadda Pokhara ee loo dalkiisa tago, taasi oo 240 KM u jirta Caasimadda dalkaasi.

Goobta diyaaradu ku burburtay waxaa gaaray kooxaha gurmadka degdega, kuwaa oo baadigoob ugu jira dad nool oo shilkaasi ku dhaawacmay ama ka badbaaday.

Kooxaha gurmadka wada ayaa xaqiijiyay in ay heleen maydadka 36 qof oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday diyaarada burburtay oo nooceedu ahaa ATR-72, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha kasii bato inta hadda la ogyahay.

Afhayeen u hadlay Shirkadda Yelti Airlines, Sudarshan Bartaula waxa uu sheegay inay Diyaaradda oo ahayd nooca labada Matoor leh ay la socdeen 72 qof, oo ay 68 Rakaab ahaa iyo 4 Shaqaalihii Diyaaradda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in dadka diyaarada la socday 53 kamid ah Rakaabka ay u dhasheen dalka Nepal halka 15 qof oo kalana ay ahaayeen Ajnabi, waxaa dadka diyaarada la socday saddex kamid ah ahaayeen carruur.

 

Related posts

Kayle McCarter oo Madaxweyne Farmaajo kala hadlay Kiiska Badda kadib safar qarsoodi ah uu ….

Cabdi Cade

Muwaadin Soomaaliyeed oo isku dhax gubay Xabsi uu ku xirnaa

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka hadlay Dab Khasaaro geestay oo ka kacay Suuqa Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade