Booliiska Uganda oo raadinaya Nin Soomaali ah iyo Dambiga loo heesto oo la shaaciyay

Booliska dalka Uganda ayaa sheegay inay raadinayaan dareewal Soomaali oo baxsad ah, kadib, markii Jimcihii shil gaari ku dilay haweeney 22-jir ah oo la oran jirey Mary Akullo.

Dareewalka oo magaciisa lagu soo koobay Burhan ayaa ah muwaadin Soomaali oo degan Kakuma ee dalka Suudaanta Koonfureed, darawalkan ayaa lagu eedeynayaa inuu gaari ku jiiray haweeneyda geeriyootay.

Shilkaasi waxa uu jimcihii ka dhacay Wadadada Juba Road ee qeybta galbeed ee magaalladda Lira City ee dalka Uganda.

Afhayeenka booliska Gobaleedka Waqooyiga Kyoga , Patrick Jimmy Okema ayaa u sheegay Wargeyska The Monitor inuu eedeysanaha oo kaxaynayey gaari noociisu ahaa Mercedes Benz uu ku dhacay Mooto waday Haweeney Rakaab ah iyo dhowr Jawaan oo Galley ah.

Gaariga shilka geystay waxa uu Lambarka Taarigadiisu waxa uu ku sheegay sargaalkan katirsan booliiska dalka Uganda (Reg. No. SSD 121Q/SSD 648 Mercedes Benz).

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay haweeneydii ka dhacday mootadii, kadibna uu jiiray Gaarigii, iyadoo Haweeneydii ku geeriyootay Shilkaasi.

Afhayeen Okema waxa uu tilmaamay inay booliska ku baxeen Shilkaasi, iyadoo maydka Haweeneyda la dhigay Qeybta Maydadka ee Isbitaal-Gobaleedka ee Lira Regional Hospital.

Darewalka Soomaaliga waxaa la sheegay inuu baxsaday, isagoo gaarigii uu watay uu shilka ku galay kaga tegay goobta uu shilka ka dhacay.

Dhanka kale, Afhayeenka Bolis-Gobaleedka Waqooyiga Kyoga, Patrick Jimmy Okema waxa uu xusay inay saraakiisha bilaabeen baaritaano iyo inay raadiyaan Dareewalkii baxsaday ee geystay shilkii sababay geerida haweeneyda lagu magacaabi jirey Mary Akullo.

W/T Ustaad Nuradin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -