Wargelin Muhiim ah oo ku socota akhristayaasha Shabakada Allbanaadir Online

Maamulka Sare ee Shabakada Allbanaadir Online waxaa uu Akhristayaashiisa iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ku wargelinayaa iney soo baxeen mudooyinkan dad Soomaali ah oo sameystay websityo wata magacyo u eg Allbanaadir Online kuwaasoo lagu aflagadeeyo, dowlada Somalia, rag Siyaasiyiin ah iyo shaqsiyaad, iyo Waliba dumarka Soomaaliyeed.

Marar badan waxaa Maamulka Shabakadan soo gaaray shaqsiyaad iyo siyaasiyiin ka cabanaya in warar xun oo been abuur ah ama aflagaado laga faafiyey kuwaasoo ay daabaceen websityada wata magaca Allbanaadir oo Been abuur ah oo xarfo dheeraad ah la raaciyey.

Haddaba Maamulka shabakadan waxaa uu ogeysiinayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibeda kala jooga inuu masuul ka yahay oo kaliya website ka saxda ah ee Allbanaadir.com Ama Allbanaadir.net iyo Waliba Allbanaadir.org

Wixii lagu qoro meel ka baxsan saddexdan Magac ee Wata .COM iyo .NET iyo .ORG Maamulka shabakada Allbanaadir Online masuul kama aha.

Shabakada Allbanaadir.com , Allbanaadir.net iyo Allbanaadir.org waa mid madax banaan, dhexdhexaad ah oo dhana aan raacsaneyn, waxayna bulshada Soomaaliyeed u soo gudbisaa warar iyo warbixino xaqiiqada ku saleysan, loogama baran iney faafiso aflagaado ka dhan ah koox ama shaqsiyaad gaar ah, waxaana warbixinada laga baahiyo sal u ah ilaalinta anshaxa Saxaafada, diinta iyo dhaqanka suuban ee Ummada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -