Maxkamad kutaalla dalka Australia, ayaa lasoo taagay haweeney lagu eedeeyay in ay dishay saddex qof oo ahaa qoyska ninkeeda ah, kaddib khilaaf la sheegay in naagta dilka geesatay iyo qaar kamid ah xubnaha qoyska ninkeeda uu soo kala dhax galay.
Erin Patterson oo 50 sano jir ah, ayaa dishay hooyada , aabaha iyo walaasha ninkeeda, halka xaalad halis ah uu galay qof kale oo afaraad, waxaana la sheegay haweeneydan in xubnaha qoyska ninkeeda dilkooda u adeegsatay sun ay raashinka ugu dartay.
Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in falkaasi uu ahaa mid ula kac ah laakiin qareennada ayaa ku doodaya in uu ahaa shil aan loogu teli gelin. Dadka dhintay waxay kala yihiin soddogeed iyo soddohdeed iyo dumaashideed oo la dhalatay ninkeedii ay kala tageen.
Haweeneyda dilka geesatay, ayaa dhankeeda sheegtay in khilaaf meel xun gaaray uu kala dhaxeeyay hooyada dhashay ninkeeda, taa ayaana loo aaneynayaa in ay sababtay in ay disho oo sun siiso xubnaha qoyska ninkeeda
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.