Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWSPUNTLAND

Ciidamada PSF oo lagu arkay Deegaanno katirsan Galmudug iyo Ujeedkooda oo la ogaaday

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlad goboleedka Puntland iyo hubkooda ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu arkay degmada Hobyo iyo deegaanno kale oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan PSF ayaa gaaray degmada Hobyo iyo deegaanno kale oo ka socdo abaabulka howlgalo la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmada Xarar Dheere iyo deegaanno kale.

Ciidamadan uu tababaray Mareykanka walina uu gacanta ku hayo ayaa saraakiisha hoggaamineysa sheegeen in ay ka qeyb qaadanayaan howlgalada la doonayo in Al Shabaab looga saaro gobolka Mudug deegaannada ay ka joogaan.

Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Galmudug waxaa awood ku leh kuna xooggan dagaalyahanada Al Shabaab oo gacanta ku haya, waxaana hadda socda guluf la doonayo in kooxdaasi looga saaro guud ahaan gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale degmooyinka Hobyo iyo Wisil geysay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor, kuwaa oo iyana howlgalka bilaabanaya qeyb weyn ka qaadanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo dhaqaale ugu deeqay dhismaha garoonka Kubada cagta Boosaaso (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada Soomaalida kasoo carartay colaada Sudan

Cabdi Cade

Muxuu Gudoomiye Gacal kala hadlay Guddiga doorashooyinka Galmudug? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---