Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney loogu yeeray in Ninkeeda la kulanto kahor inta aan xukun dil ah lagu fulin

Siyaasi u dhashay dalka Iran oo horey loogu riday xukun dil ah ayaa la filayaa in dhawwaan la toogto sida ay eheladiisa shaaciyeen, waxaana siyaasigan oo sannado xirnaa lagu eedeeyay in uu ahaa basaas .

Alireza Akbari oo horey usoo noqday ku xigeenkii hore ee wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Iran ayaa lagu eedeeyay in uu basaas u ahaa dowladda Britian, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Xaaska Alireza Akbari ayaa sheegay in ninkeeda loo diyaarinayo in la toogto, waxa ayna xustay in lagu wargaliyay in ay u timaado lana qaado kulankii ugu dambeeyay kahor inta aan la toogan.

Waxa ay sheegtay in sargaal katirsan dowladda Iran kusoo wargaliyay in ninkeeda ugu timaado xabsiga uu ku xiran yahay ee kuyaalla Tahran si ay u macsalaameyso una aragto aragtidii ugu dambeesay ee noloshiisa.

Alireza Akbari ayaa maxkamadda sare ee Iran ka diiday racfaan uu ka qaatay xukunkii lagu riday, waxaana hadda loo gudbiyay xabsi kaligiis ah taas oo muujineysa in loo diyaarinayo ku fulinta xukunka dilka ah ee lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiro katirsan Koonfur Galbeed oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay 

Cabdi Cade

Mid kamid ah Wariyaasha Muqdisho howlgala oo xalay geeriyooday

Cabdi Cade

Xil ka Qaadis lagu sameeyay Wasiiro iyo Agaasimayaal Musuq maasuq loo heesto (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---