Kenya oo faahfaahin ka bixisay sababaha keenay iney xiriirka u jarto Somalia (Akhriso)

Dowlada Kenya ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha soo dedejiyey iney xiriirkii diplomaasiyadda u jarto Somalia ka dib markii ay u yeeratay safiirkeedii fadhiyey Muqdisho, safiirkii Somalia ee dalkeeda joogayna amar ku siisay inuu dalkiisa ku laabto.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda ee dowladda Kenya ayaa lagu cambaareeyay falkii ay dowlada Soomaaliya iibka u gelisay ceelal shidaal oo ku yaalla xuduud badeedka ay labada dal ku muransan yihiin sida qoraalka lagu sheegay shirkii 7-da bishan Febraayo ka dhacay magaalada London, isla markaana waxay tallaabadaasi ku tilmaamay gardarro qaawan.

Bayaanka dowladda Kenya oo aad u dheeraa ayaa muujinaya iney ka carootay ka dib markii dowladda Somalia ay jawaab deg deg ah ka bixin weysay cabasho ay gaarsiisay safiirka Somalia ee Kenya taasoo ku saabsan xadgudubka Somalia ku sameysay xuduuda Badda, waxaana Kenya loo sheegay in cabashadeeda si weyn loo tixgelin doono.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xaqiiqsatay in cabashadii ay u dirtay dowladda Somalia la iska dhega mariyey, taasina ay keentay inay goā€™aankan qaadato.

Xiisadda diblomaasi ayaa salka ku heysa dacwadii Badda Somalia iyo Kenya oo taalla Maxkamadda Adduunka, iyadoo Kenya ay horey u sheegatay qeyb ka mida Badda Soomaaliyeed, waxaana dacwad ku saabsan muranka xuduudeed ee labada dal ay hor taallaa maxkamadda Cadaaladda dunida.

Kenya ayaa hore laf ahaanteeda shirkado shisheeye qandaraas ugu siisey in Badda ay sheegatay ee Somalia leedahay ay ka baaraan shidaal iyo Gaas, lamana oga halka uu saldhigan doono khilaafka adag ee labada dowladood soo kala dhex galay oo hadii uu sii socdo labada dhinacba saameyn kala duwan ku yeelan kara.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -