Dowladda oo Shaacisay in ay la dilay Saraakiil katirsan Al Shabaab iyo xubno la socday

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Nabad sugida Qaranka howlgal ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ku dileen saraakiil katirsan Al Shabaab iyo dagaalyahano la socday.

Howlgalka ay fuliyeen ciidamada dowladda oo kaashanayay kuwa caalami ah ayaa la sheegay in uu daba socday howlgal shalay lagu dilay 61-xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ,kuwaa oo qorsheenayay weerar ay ku qaadaan saldhig ciidan.

Warbaahinta dowladda ayaana sheegtay in howlgalkan cusub lagu dilay 15-xubnood oo katirsan Al Shabaab ay ku jiraan labo sargaal , waxa ayna sheegeen xubnahan la dilay in ay ka badbaadeen weerarkii hore.

Saraakiisha lagu dilay weerarkan ayey dowladda sheegtay in ay ku jiraan nin magaciisa lagu soo koobay Farxaan oo ay sheegeen in uu ahaa sargaalkii Al Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Xawaadley iyo sargaal kale oo lagu magacabao Ismaciil Ibraahim  (Garweyne) .

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay baahisay in weerar ay ka caawiyeen saaxiibo caalami ah in ay ku dileen 61-xubnood oo katirsanaa Al Shabaab ,sidoo kale lagu bur buriyay gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -