Madaxweyne Laftagareen oo hal arrin oo xasaasi ah u tegay Magaalada Xudur (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed, C/casiis Xasan Max’ed (Lafta-gareen) yo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Gobolka Bakool.

Madaxweyne Lafta-gareen, ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Xuddur iney wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira degmada, isla markaana uu kormeeri doono sida ay u socdaan howlaha Maamulka iyo Ciidamada.

“Waxaan u nimid inaannu ogaanno howlaha Dowladda ee ka socda degaanada Gobolka, gaar ahaan degmada xudur iyo inaan dardar gelinno, dhhiirri gelinno, sida shaqada ku socotana ogaanno, oo aynu ka jawaabno baahiyaha Xudur yaalla”, ayuu yiri Madaxweyne Lafa gareen.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweyne Lafta gareen inay wax ka qaban doonaan adeegyada Bulshada, gaar ahaan wax barashada iyo caafimaadka, isla markaana ay la kulmi doonaan, maamulka, ciidamada, hay’adaha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, si gaar ahna ay isu arki doonaan, ciidamaduna ay ku samayn doonaan dib u dhis iyo tirokoob.

Madaxweynaha ayaa ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta KG ku ammaanay dagaalka ay kula jiraan argagixisada, inta uu joogana ay kooxda Al-Shabaab ka xoreyn doonaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool taasoo uu sheegay iney tahay ujeedada ugu muhiimsan  safarkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -