Muuse Biixi: “Dowladda Xamar ee AMISOM ilaaliso warkeeda kama duwana Dameer ciyey” (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa, kadib socdaal muran dhaliyey oo uu ku tegay dalka Guinea ayaa si weyn u cambaareeyay tallaabada dowladda Somalia xiriirka ugu jartay dowladii uu booqday.

Muuse Biixi ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday dowladda Somalia ay ka dhigan tahay gef ay u geysteen dalka Gini iyo mid kale oo ay Somaliland u geysteen, kaasoo ka dhigan inaysan noqon karin dal, wuxuuna ku goodiyey inay diyaar u yihiin inay ka dagaalamaan haddii loo baahdo dhibaatadda ay wado dowladda Somalia.

Waxaa uu sheegay in madaxda dalka Gini ay ka balan-qaadeen iney qadiyadda Somaliland geyn doono Midowga Afrika.

“Warka kasoo yeeray dowladda Xamar fadhida ee AMISOM ilaaliso waa mid la iska yiri, waxaan leeyahay annagu ma nihin Maamul Goboleed, wadamo badan ayaan tageynaa kuwo kalena horay ayaan u tagnay ayuu yiri…” Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Qaybaha kala duwan ee shacabka Hargeysa oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana caleemo qoyan lulaya, ayaa Muuse Biixi iyo weftigiisa kusoo dhaweeyey dhammaanba jidadka waaweyn ee  Hargeysa, kuwaas oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo axsaabta oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa si ballaadhan uga qaybgalay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -