Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dad loo xiray Weerarkii dadka badan lagu dilay ee ka dhacay degmada Maxaas

Ciidamada ammaanka maamulka Hirshabelle ayaa gacanta ku dhigay dad lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee dadka badan lagu laayay ee dhawwaan ka dhacay degmada Maxaas.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la qabtay lix qof uu sheegay in lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen ama fududeeyeen weeraradii ismiidaaminta ahaa ee 4-tii bishan ka dhacay Maxaas.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha dadka la xiray in ay yihiin kuwa deegaanka oo isugu jiro ganacsato iyo dad caadi ah, waxa uuna xusay in dadkan loo gudbiyay magaalada Baladweyne halkaas oo baaris dheeraad ah lagula sameenayo.

Qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 25-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidan, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo intaasi ka badan.

Degmada Maxaas ayaa saldhig u ah ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada Macawuusleyda ee howlgalada kawada qeybo kamid ah gobolka Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana weerarkaasi ka dhacay Maxaas dhaliyay shaki badan oo ku aadan la fududeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka degmada Luuq ka socda

Cabdi Cade

Nin aroos ahaa iyo dad kaloo badan oo ku dhintay goob ay ka socotay xaflad aroos !

Cabdi Cade

Go’aano ka soo baxay howlgalka ciribtirka Daacish & Deni oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---