Kooxo hubeysan oo dilal qorsheysan ka geystay xeebta Magaalada Boosaaso

Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku dilay labo nin oo dhalinyaro ah sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in weerarkan uu ka dhacay xeebta magaalada markii dabley bastoolado iska soo jaray ay si lama filaan ah rasaas ugu boobsadeen labada wiil oo halkaas ku fiidsanayey.

Ragga dilka geystay ayaa deg deg u baxsaday, iyadoo ay goobta gaareen ciidamada amaanka oo baaritaano ka wada xaafado ku dhow xeebta oo la sheegay iney galeen kuwa dilka geystay

Lama oga weli waxa ay ahaayeen wiilasha la toogtay, sababta loo dilay iyo cida ka dambeysay weerarka lagu dilay, saraakiisha laamaha amaanka Puntlandn ayaan iyana weli wax war ah ka soo saarin dhacdadan.

Dhinaca kale, laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, laba askarina way ku dhaawacmeen kadib markii shalay galinkii dambe uu dagaal dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo ciidamada ilaalada xabsiga Boosaaso.

Labada qof ee rayidka ah ayaa la sheegay in ay rasaastu ku dhacday iyaga oo magaalada dhex maraya, halka labada askari ee dhaawacmayna ay ka mid yihiin ciidamada maamulka Puntland.

Iska hor imaadkan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay kadib markii ciidamadda Ilaaladda Xabsiga oo ka cabanaya mushahar la’aan dhawr bilood ah ay xoog ku qabsadeen dhismaha xabsiga ayna diideen in gudaha ay u galaan mas’uuliyiin Puntland ka tirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -