Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Booliiska Jarmalka oo qabtay nin looga shakiyay in uu geesan rabay Weerar Kiimiko

Ciidamada ammaanka dalka Jarmalka ayaa xiray nin dhallinyaro ah oo looga shakiyay in uu geesan rabay weerar argagaxiso, waxaana ninkan oo hadda ku jira gacanta ciidamada ammaanka ku socda baaritaano.

Ninkan ciidamada xireen oo 32 sanno jir ah ayaa la sheegay in uu yahay nin muslim ah oo kasoo jeeda dalka Jarmalka, waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu qorsheeyay weerar uu doonayay in uu u adeegsado kiimiko.

War kasoo baxay booliiska Jarmalka ayaa lagu sheegay in ninkan la xiray galeen gurigiisa oo kuyaalla deegaanka Castrop-Rauxel ee katirsan gobolka Ruhr, waxaana guriga ninkan booliiska kasoo heleen walxo sun iyo kiimiko ka sameesan.

Booliiska Jarmalka ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano lagu hayo ninkan looga shakiyay iyo labo qof oo kale, waxa ayna sheegeen booliiska in ay dib ka faah faahin doonaan natiijada kasoo baxda baaristooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo War ka soo saartay duqeyntii dayuuradaha Kenya ka geysteen Gedo

Caydiid Ali

Xoghaye Joogto cusub oo loo magacaabay Xafiiska Raisul Wasaaraha

Cabdi Cade

Madaxweyne Cirro oo lagu bogaadiyay tallaabo loo riyaaqay uu qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---