Wasiiradii la magacaabay oo la dhaariyey & guddoomiye Mursal oo hal arrin ka codsaday (Daawo Sawirro)

Xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada Soomaaliya ayaa lagu hor dhaariyey maanta Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka

Kulanka dhaarinta oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudey) iyo xubnaha guddiga joogtada.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku-xigeen Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qaar ka mid ah golaha Wasiirada.

Ku-simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku-xigeen Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in xubnahan cusub ay qeyb ka yihiin barnaamijka dardar gelinta xukuumada.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay iney si sax ah shaqadooda u gutaan.

“Golaha shacabaka waxaa uu furmi doonaa 10-ka September wasiirada xildhibaanada ah waxa ka rabnaa iney kulamada golaha soo xaadiraan oo ay labada shaqo si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Wasiirada maanta la dhaariyay waxay kala yihiin:-

1-Mudane C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare.

2-Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

3-Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.

4-Mudane Saqar Ibraahim Cabdalle Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -