Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Milateriga Itoobiya oo mar kale galay Magaalada Jigjiga & xiisad ka dhalatay

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Jigjiga ciidamada federaalka Itoobiya ayaa galay magaaladaas oo labadii maalmood ee uu danbeeyay rabshado ay ka jireen

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay gudaha u galeen magaalada, waxayna la wareegeen dhismooyinka maamulka iyo goobaha dowladda, kadib markii xaaladda magaalada ay qarka u saarantay inay faraha ka baxdo.

Ciidamadii maamulka Soomaalida Itoobiya ee Liyu Police ayaa la sheegay inay isaga baxeen oo ay banneeyeen magaalada wax yar ka hor intii aanay ciidamada Itoobiya gelin.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay tahay mid hubaal la’aan ah oo aan la ogeyn waxaa dhici doona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Wasiirad Khadiija Al-Makhzumi oo deeq cajiib ah ku wareejisay Xoogga dalka

Caydiid Ali

Dowlada Mareykanka oo Baaq cusub kasoo saartay Dagaalka ka socda dalka Itoobiya

Cabdi Cade

Dad kasoo jeeda dalka Eritrea oo lagu weeraray Jarmalka xilli ay xaflad dhiganayeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---