Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu laayey qarax jidka loo dhigay & Al-Shabaab oo sheegatay

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax maanta ciidamada Itoobiya lagula eegtay degaano ka tirsan Gobolka Bay.

Qaraxa ayaa ka dhacay wadada u dhaxeysa Magaalada Baydhabo iyo degmada Bardaale sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada lagu aasay ayaa qabsaday gaari ural ah oo ka mid ahaa kolonyo ay wateen ciidamada Itoobiya waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan Shan askari oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ayaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen, qaar kalena ku dhaawacmeen qaraxaasi oo sidoo kale burbur xooggan gaarsiiyay gaarigii uu qabsaday sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Kooxda Al-Shabaab oo ka dambeysay qaraxa ayaa sheegatay inay dileen askar badan oo Itoobiyaan ah oo la socday gaariga Uralka ah ee qaraxa uu qabsaday.

Ciidamada Itoobiya saraakiishooda kama hadlin qaraxan, loogamana baran iney ka hadlaan weerarada noocan ah ee loo geysto ciidamadooda jooga gudaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -