Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay Saraakiisha lagu dilay Weerarkii Hilowle Gaab

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen  ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciidamadii iyo saraakiishii saaka ku shahiiday weerarkii ay Al Shabaab kusoo qaaday deegaanka Hilowle Gaab ee hoos yimaada degmada Ruunirgood.

Madaxweynaha ayaa xusay in kooxda  Al shabaab oo saaka weeraro ku biloowday qaraxyo kusoo qaaday fariisimaha Ciidamada iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa deegaanka Hilowle Gaab lagu jabiyay laguna gaarsiiyay khasaaro.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la dardargalinayo howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybgalaan dhameystirka cadowgaan u tagaan baabi’inta shacabkeenna.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay geesiyaashii naftooda ku waayay difaac dalka dadka iyo diinta inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawaca ahna uu Eebbe u boogo dhayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -