Wasiirka Gaashaandjigga oo Dhaawacyo ku booqday Isbitaal kuyaalla Imaaraadka (Sawirro)

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo wafdi la socda ayaa booqday Isbitaalka Ciidanka Qalabka Sida ee Dowladda Imaaraatka Carabta.

Isbitaalka uu booqday wasiirka Gaashaandjigga Soomaaliya ayaa waxaa ku jira oo lagu dabiibayaa qaar kamid ah dadkii uu sii gaaray dhaawacyadii ugu cuslaa ee Qaraxii ka dhacay isgooska Zoobe 2.

Wasiirka Gaashaandjlhigga ayaa si mid mid ah u booqday bukaanada ku jira isbitaalka isagoo u kuur galayay daryeelka caafimaad ay heleen mudadii la dabiibayay.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa kaga mahad celiyay Dowladda Imaaraatka Carabta iyo Wasaaraddooda Gaashaandhigga daryeelka hagar la’aanta ah iyo qalliimada cul culus ee bukaanada Soomaaliyeed heleen.

- Advertisement -