Shir u dhaxeeyay Masuuliyiin kala matalayay Soomaaliya iyo Uganda oo ka dhacay Kampala (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ka dhacay shir loogu diyaar garoobayo hishiisyo dhawwaan la filayo in madaxda sare ee dalalka Soomaaliya iyo Uganda kala saxiixdaan.

Shirkan horudhaca ah ee ka dhacay Kampala waxaa si wadajir ah u guddoominayay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Amb. Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ) iyo Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Amb. Maxamed Cali-nuur .

Waxaa sidoo kale shirka ka dhacay magaalada Kampala qeyb ka ahaa agaasimayaal kale oo katirsan qaar kamid ah wasaaradaha Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Uganda.

Dalka Uganda aya ala filayaa in uu ka dhaco shir ay yeelanayaan madaxda Soomaaliya iyo Uganda, waxaana shirkan diirada saari doonaa ganacsiga iyo maalgashiga u dhaxeeya labada dal, waxaana heshiisyo ku kala saxiixan doona madaxda labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -