Dhambaal laga siday Xasan Shiikh oo la gaarsiiyey Sheikh Salem Al-Jaber Al-Sabah (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa kulan natiijo wanaagsan ku soo dhammaaday la yeeshay Wasiirka Arimaha Dibadda dalkaas, Mudane Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac, iyo arrimihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka.

Wasiir Beenebeene ayaa dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxwaynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, kuna socday Amiirka dalka Kuwait Sheikh Nawaf Al- Ahmed ku wareejiyay Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Kuwait.

“Waxa aan maanta kulan miro dhal ah kula qaatay magaalada Kuweyt Wasiirka Arimaha Dibadda dalkaas, Mudane Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah, oo aan ka wada hadalnay iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labadeena dal ee dhinacyada kala duwan iyo arimihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka. Waxa aan sidoo kale u gudbiyay danbbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku socday Amiirka Dawladda Kuwait, Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah” ayuu yiri wasiirka oo qoraal ku baahiyey baraha bulshada

Wasiir Sheikh Salem ayaa guddoomay dhambaalka qoraalka Madaxweynaha, kana mahadceliyay wada shaqaynta iyo xiriirka wanaagsna ee markasta ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kuwait.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -