Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay Dilkii loo geestay Korneel Abshir Maxamuud Shataqeey

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka golayaasha dowladda iyo Shacabka Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxaristee Taliyihii Guutada 3aad Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Marxuum Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqeey) iyo ciidamadii geesiyaasha ahaa ee saakay ku shahiiday dagaal ay kooxda Al Shabaab kusoo qaaday deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa xusay in marxuumku uu geeriyooday xili uu gudanayay waajibaadkii qaran ee ka saarna difaacida Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, waxa uuna kamid ahaa saraakiisha hormuudka u ahayd dagaaladii Al Shabaab looga xoreeyay Magaalada Muqdisho iyo degmooyinka xorta ah ee Shabeelaha Dhexe.

Madxaweynaha tilmaamay in cadowgu uu jab xoogan kasoo gaaray dagaalada socda ee dalka looga ciribtirayo isagoo bulshada Hirshabeelle iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan baabi’inta Kooxdaan Al Shabaab.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay marxuumka iyo geesiyaashii la shahiiday inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawaca ahna uu Eebbe u boogo dhayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -