(Sawirro) RW Somalia oo Gudoomiyey shir muhiim ah iyo warbixino lagu dhegeystay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta guddoomiyey kulan ku saabsanaa Tiirka Dhaqaalaha, kaasi oo warbixinno muhiim ah uu kaga dhageystay Wasiirrada iyo Guddiyada u xilsaaran barnaamijyada Xukuumadda ee la xiriira horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Wasaaradda Maaliyadda warbixin ku saabsan miisaaniyadda dowladda ee dhawaan la ansixiyey iyo kobaca dakhliga gudaha, iyadoo Baanka Dhexe uu soo jeediyay daabacaaadda Lacagta Shillin Soomaaliga, taasi oo ahmiyad gaar ah u leh dhaqaalaha dalka.

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Jaamac Gaani ayaa isna kulanka ku soo bandhigay hindiseyaasha sharci ee la xiriira dhaqaalaha dalka oo gaaraya sagaal sharci, kuwaasi oo qaarkood Golaha Wasiirradu ansixiyay, loona gudbiyay Baarlamaanka, qaarna hadda gacanta lagu hayo, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la soo gabagabeeyo shuruucdaasi ugu dambeyn bisha Maarso 2023.

Sidoo kale, Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey barnaamijyada dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, iyadoo uu tilmaamay in guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug ay fududeeyeen isu socodka gaadiidka iyo bulshada, ayna muhiim tahay in la dayac tiro jidadka isku xira deegaannada la xorreeyay.

Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xamse Cabdi Barrre ayaa faray Guddiyada heer Wasiir ee barnaamijyada Tiirka Dhaqaalaha ee  Xukuumadda Dan-Qaran in ay dardar geliyaan fulinta qorsheyaasha laga sugayo sanadkan, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan xuquuqdooda horumarka, xasilloonida iyo amniga.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -