Ciidamada Danab oo bur buriyay Saldhig Al Shabaab qaraxyo ku diyaarinayeen

Ciidanka Kumaadooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeelaha Hoose la sheegay in ay ku bur buriyeen saldhig Al Shabaab qaraxyo ku diyaarinayeen.

War kasoo baxay taliska Danab oo lagu daabacay Warbaahinta ciidamada qalabka sida ayaa lagu sheegay in ciidamada Danab bur buriyeen kana hortageen qaraxyo Al Shabaab diyaarinayeen.

Ciidamada Danab ayaa sidoo kale la sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen deegaanka Gendershe kusoo qab qabteen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa saldhiga ay weerareen ciidanka.

“Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaanka Gendarshe ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa waxay ku bur-buriyeen goobo Qaraxyo lagu farsameynayey, iyagoo gacanta ku dhigay maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada oo halkaasi ku sugnaa.” ayaa lagu yiri Warka lagu daabacay Warbaahinta ciidanka dowlada.

Ciidamada Danab ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalo ka waday degmooyin iyo deegaano katirsan Al Shabaab, waxa ayna ciidamada dhawaan la wareegeen degmada Kuntuwaarey iyo deegaano kale oo Al Shabaab sanado maamulayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -