DEG DEG: Fanaankii weynaa Axmed Naaji Sacad oo caawa geeriyooday

Sida ay xaqiijiyeen qoyskiisu waxa magaalada London ku geeriyooday Fannaankii weynaa ee Axmed Naaji Sacad. ka dib xanuun deg deg ah oo ku soo booday.

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Iyo shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS waxay tacsi tiiraanyo leh u dieen qoyska, qaraabada, ehelada iyo Hoboladda Qaranka ee Waaberi oo uu ka baxay Allah u naxariistee Marxuum Al Fanaan Ustaad Axmed Naaji Sacad.

Marxuumka waxaa uu ka mid ahaa aasaaseyaasha iyo udub dhexaadka fanka Soomaaliyeed, gaar ahaan hobalada Qaranka ee Waaberi.

Sannadkii 1939kii ayuu ku dhashay degmada Shibis ee Muqdisho oo xilligaas la odhan jiray Billaajo.

Axmed Naaji Sacad waqtigii uu barbaarayay waxa dugsiyada Muqdisho lagu dhigan jiray Af Carabiga iyo Af Talyaaniga, marka laga yimaaddo maaddada Quraanka oo si guud dugsiyada loogu dhigan jiray. Kolkii uu ilaa dugsi sare ku dhammaystay xaafaddii uu ku dhashay ayuu u guuray Xamarweyne gaar ahaan xaafadda Iskuraran. Halkaas ayuu Axmed Naaji ka maqli jiray heesaha laga qaadayo xarunta Leegada oo u dhowayd Iskuraran.

Xiligii xorriyadda la qaadanayey, Axmed wuxuu ahaa nin gaashaanqaad ah oo da’da laabaatanka ay wax u dheer yihiin oo uu markan ku sii batay jacaylka uu u qabo fanka, isaga oo aad u dhagaysan jiray Radio Muqdisho oo ay ka heesi jireen fannaaniin ay ka mid yihiin Suufi Cali, Faadumo Kiinya Faadumo Hirad) iyo Khadiijo Cabdillaahi Camey “Dalays.”

Fanka Axmed Naaji waxa uu kor u kacay kolkii ay Axmed Naaji isdhexgaleen fannaaniintii Woqooyiga ka timid, sida Cabdillaahi Qarshe, Xuseen Aw Faarax Dubbad, Axmed Cali Haaruun (Dararamle) Cismaan-gacanlow iyo kuwo kale. Raggaa qaar ka mid ahi waxa ay Axmed ka caawiyeen dhisidda erayada suugaanta.

Sannadkii 1962kii ayaa si rasmi ah Axmed Naaji la qoray Radio Muqdisho, waxaana lagu qaatay hees Banaadiri ahayd oo la odhan jiray “Wuu ahaaday adduunkan.” Waxa uu ku soo baxay barnaamij maalin kasta oo Axad ah bixi jiray oo la odhan jiray “Lugo-baxsi” oo idaacadda Radio Muqdisho fannaaniinta ku tartansiin jiray.

 

- Advertisement -