Siyaasiyiin Caan ah oo sameestay Madal cusub soona saaray Bayaan wadajir ah

Siyaasiyiin caan ah oo kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland ayaa sameestay madal cusub oo ay ku mideesan yihiin, si ay meesha uga saaraan doorashada soo socota ee Puntland Madaxweyne Siciid Deni.

Xubnaha siyaasiyiinta ah ee sameestay madasha cusub ayaa waxaa ku jira kuwa xilal sar sare kasoo qabtay dowladda federaalka iyo siyaasiyiin kale, xubnahana ayaana hadda u sharaxan qaarkood xilka madaxweynaha Puntland.

Siyaasiyiintan ayaa sheegay in ujeedka ugu waaweyn ee loo aasaasay madashan ay tahay ilaalinta xasiloonida, sareynta sharciga iyo in doorashada maamulka Puntland ay waqtigeeda ku dhacdo.

Madashan cusub ee lagu dhawaaqay waxaa xubno ka ah wasiiradii hore ee arrimaha dibadda Cabdi Siciid Muuse iyo Axmed Ciise Cawad, waxa ayna siyaasiyiintan isku baheesanayaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen Siciid Deni.

Bayaan ay soo saareen xubnaha madashan cusub ayaa u qornaa sida tan:

1. In shacabka reer Puntland ka digtoonaadaan dhagarta siyaasadeed iyo marin habaabinta lagu dhexwado nidaamka doorashooyinka.

2. In hay’adaha amnigu aanay ku dhexmilmin siyaasadda kuna ekaadaan waajibaadkooda dastuuriga ah ayna u hogaansamaan sharciga.

3. Madashu waxay bogaadinaysaa isimada Puntland waxayna ugu baaqaysaa in ay qaataan dawrkoodii shariifka ahaa ee ay kaga jireen xasiloonida iyo midnimada Puntland.

4. In la isugu yimaado shir wadatashi ah oo looga arrinsanayo xaaladda doorashooyinka Puntland.

5. In la joojiyo diiwaangelinta hubaysan ee xukuumaddu waddo si looga baaqsado isku dhac amni iyo shaqaaqooyin ka dhasha hannaanka doorashooyinka aan loo dhammayn

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -