Nin iska dhigi jiray sarkaal si uu kaga yaabsado gabdhaha oo fashilmay!

 Nin Shiinaha u dhashay ayaa wajahaya xabsi ka gadaal markii la ogaaday inuu iska dhigayay sarkaal boolis muddo badan si uu uga yaabsado gabdhaha xaafadda.

Toddobaadkii hore, booliska ayaa baahiyay warbixin ku saabsan raadgurka nin sarkaal ahaan iskaga dhigayay dadweynaha muddo badan. Ninka oo magaciisa lagu soo koobay ‘Zhu’,wuxuu si xeeladaysan u sameystay kaar ciidan oo lagu meelmari karo. Laakiin markii laga baaray xogta ciidanka magaciisa iyo sawirkiisa midna lagama soo helin.

Markii si kastaba ninkan su’aalo laga weydiiyay sababta uu falkan u sameeyey, wuxuu sheegay inuu rabay inuu ku shukaansado gabdhaha xaafadda askarinimadkiisa. Wuxuu hoosta ka xariiqay inuu maryaha ciidanka iyo dukumentiyada kale ee ciidanka uu kala soo baxay baraha internet-ka ee mareegaha ciidamada.

Wuxuu sheegay inuu aad uga hinaasay sida haweenka qaar ee Shiinaha ay aad uga daba-dhacaan saraakiisha ciidamada. Markii uu arkay fursad uu iskaga dhigi karana, wuxuu go’aansaday inuusan is dhaafinin fursaddaas.

Haween badan ayuu habkaas kula haasaaway, wuxuu ku talax tagay metelaaddiisa ilaa uu jilayay muddo afar sannadood ah.

Dambiga lagu helay ayaa ah mid halis leh. Wuxuuna wajahayaa cawaaqib kulul oo uu diyaar u yahay inuu maro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -