Raisul Wasaare Khayre iyo James Swan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kheyre iyo James Swan ayaa ka wada hadlay arrimo oo ku saabsan looga xaalada siyaasadeed ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray Arrimaha doorashooyinka qaran ee 2020 iyo sida  ugu habboon ee Qaramada Midoobay u taageeri karto sida lagu sheegay war ka soo baxay UNSOM.

James Swan ayaa wada kulamo kala duwan isagoo maalmo ka hor kulan kale la qaatay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka dalka, isagoona kala hadlay Arrimaha Doorashada iyo qodobo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -