Qatar Charity oo Dhiiragalin u sameesay arday ay horey Deeq Waxbarasho u siisay (Sawirro)

Haya’dda Qatar Charity oo ah Haya’dda ka shaqaysa dhanka samafalka iyo hormarinta ayaa maanta Magaalada Muqdisho ugu qabtay in kabadan 186 araday, Munaasabad lagu dhiirigaliayo ka dib markii ay soo gagabeeyeen heerka kowaad ee waxbarashada Jaamcada Muqdisho.

Munaasabdan oo ay goobjoog ka ahaayeen Safiirada Dowladaha Qatar iyo Turkiga u fadhiya Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, Gudoomiya Haya’dda Qatar Charity ee Somaliya, Gudoomiya Jaamacada Muqdisho, Xubno ka socda Bankiyada iyo Haya’daha gargaarka ayaa ka dhacday Magaalda Muqdisho.

Munasabadan oo daarnayd sidii loo dheerigalin lahaa ardaydan oo ka qalin badasahay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Muqdisho ayaa waxaa hadlo kala dawan ka jeediyay marti sharftii ka soo qayb gashay .

Gudoomiyaha Haya’dda Qatar Charity ee Soomaliya Abdinur Haji Ali Mursal ayaa ka warbixiyay hoolaha ay Haya’dda Qatar Charity ka qabto Soomaaliya iska oo xisay in ay ka shaqeeyaan dhamaan gobolada Soomaaliya, ayaga ka fuliya mashaariic iskugu jirta Caafimaad, Gargaar, waxbarasho, Shaqo abuur, qodisata celal ay dadka iyo duunyaduba ka cabaan, Xanaanayta Caruurta Agoonta ah iyo Qoysaska tabaalysan, iyo dadka baahiya gaarka qaba, iska tilmaamy in 23,000 oo u dhiganta in deeqda dadkaas la seeyo ay ka faaidaystaan dad kor u dhaafay 138,000 oo qof .

Dhanka kale wax uu tilmaamy in Deeq waxbarasheedka ardayda Soomaliyeed ay ka soo bilaabtay Heshiis ay Qatar Charity iyo Jaamacada Muqdisaho wada galeen sanadii 1999, taas oo ku bilaabtay 50 Araday, Heshiiskaas mirii laga dhaxaly ayay ka mid yihiin ardaydan aan maanta Farxada la wadagayno, oo 20 arday ee Jaamcada ugu sareeysay ay 14 ka mid yihiin ardayda ay Qatar Charity siisay deeqada waxabarsho, taasna wayn na dhiiri galinaysaa, waxaana uga mahad celinyaa Walaalha Deeq bixiyaasha ree Qatar mirahaas ay nala abuureen.

Dhankiisa Wasiirka Wasaarada Gaadiidaka Iyo Duulista Hawada Dowlada Federalka Soomaliya Duraan Faarax, oo ah Gudoomiyihii hore Haya’dda Qatar Charity, ayaa ka waramay Xaladihii ay ku soo bilaabtay Qatar Charity iskaow tilmaamya in xili ay adagayd in qof ku soo dhiirado ka shaqaynta Soomaaliya oo uu dagaal sokeeya ka socday, ay u soo bareereen ugarab istaag dadka soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in asagow ammni iyo shaqo fiicanba haysta kuna nool wadanka ingiriiska uu u soo baqoolay soomaaliya uuna hogaan u noqday gaargaarkii ay waday Qatar Charity, oo maanta dhalay natiijada aad wada arkateen, oo ah in 186 Araday ay guusha waxabarashadooda u dabaaldagaan, iska oo kula dardaarmay Haya’d aha, iyo Wasaaradahab in ay ka qay qaataan shaqa abuurka Ardaydan iyo dhamaan Ardayda Soomaliyeed.

Mudane Nawaaf Cabdulaahi Al-Xaamidii oo ah Madaxa howlgalada Qatar Charity ee dibada oo qaab fogaan arag ah kaga qay galay munaasabada ayaa isna Dhiiragaliyay Ardayda iska oo sheegay in ay ka shaqaynyaan sidii ardaydan Fursado shaqo loogu abuuri lahaa, iyaga oo xiriir la sameeyay Shirkadaha ay shaqa wadaag yihii iyo Muxsiniintii horay u kafaalo qaaday Ardaydan, sidoo kalan ay ka shaqaynyaa sidii fursado shaqo looga heli lahaa gudaha Dalka Qatar.

Dhankeeda Maryama Diini oo ku hadlaysay Magaca aradayda ka faa’idaysatay Deeqda waxbarasho ayaa tilmaantay in aad iyo aad ugu faraxsanahay in ay ka mid noqoto ardaydii ay Haya’dda Qatar Charity siisay deeq waxbarasho oo dhamystiran ka dib markii aan hogaan u noqnay aradaydii asaageen ahaan si gaar ah dhanka dhibca imtixaanaadak oo ka mid ah halbeegyada uu ardayga dhigta Jaamcada Muqdisho ku heli karo Deeq waxbarasho.

‘Runtii ma ahan wax sahalan inaad hesho jiho ama cid kuu noqta garab iyo gaashaan, oo ku siisa deeq waxbarasho, si aad guulo uga gaartid ama aad u xaqiijisid qorshayashaada dhow iyo kuwa fog ee aad nolashaada u xariiqtay.” ayey tiri Maryan.

Haya’dda Qatar Charity ayaa tan iyo markii si rasmi ah looga furay Somaliya bilowgii 2008 dii , ka fuliya mashaariic kala duwan oo iskugu jira dhinacayda Caafimaadka, waxabarshada, gaargaarka, biyaha, daryeelka agoonta, iyo shaqa abuurka Dhamaan Gobolada Soomaaliyeed.

- Advertisement -