Somaliland oo xoog ku jartay Internetkii Laascaanood iyo Wararkii u Dambeeyay

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa saakay xoog ku jaray adeegga intetnetka ee magaaladaasi ka shaqeenayay, kaddib markii ciidamada galeen xarumaha shirkadaha isgaarsiinta kuna amreen maamulka in ay jaraan intetnetka.

Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa la sheegay in gabi ahaan jartay adeeggii internetka, waxaana kaliya shaqeenaya telfoonka wacitaanka caadiga ah, waxaana hawada ka maqan inta badan internetkii laga isticmaali jiray Laascaanood.

Ammar lasoo baxay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la sheegay in lagu jaray adeeggii internetka ee ka shaqeenayay Laascaanood, si loo qariyo tacadiyada ciidamada u geesanayaan dadka shacabka.

Magaalada Laascaanood ayaa wali lasoo sheegayaa in ay ka socdaan rabshado u dhaxeeya shacabka magaalada iyo ciidamada Somaliland, shacabka carreesan ayaana ciidamada ku tuuraya dhagxaan halka ciidamada iyaguna adeegsanayaan rasaas nool nool.

Waxaa wali xiran inta badan goobihii ganacsi ee ku yaallay magaalada Laascaanood, waxaana jirta cabsi badan oo laga qabo in rabshadaha halkaasi ka socda in ay kasii daraan haddii aan xal deg deg ah la helin.

Maamulka Somaliland ayaana uga gon leh jaritaanka adeegga internetka in meesha laga saaro rabshadaha oo inta badan kusii faafay isticmaalka internetka iyo muuqaalkada rabshadaha oo lagu baahinayay baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -