Dagaal Khasaaro badan dhaliyay oo Dhax maray xubno ka wada tirsan Al Shabaab & dowladda oo..

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee Sonna ayaa shaacisay in dagaal u dhaxeeyay dagaalyahano katirsan Al Shabaab uu ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu dhax maray dagaalyahano la sheegay in ay gadood sameeyeen, kuwaa oo ka baxsanayay Xarardheere iyo dagaalyahano kale oo kasoo horjeeday kuwa gadoodka sameeyay.

Sida ay baahisay Sonna Al Shabaab oo heshay xogta xubnahan katirsan ee baxsanayay ayaa daba dhigtay ciidan kale, kuwaa oo weerar ku qaaday dagaalyahanada baxsadka ahaa ee ka goosanayay Al Shabaab.

Dagaalkan dhax maray dagaalyahanada Al Shabaab ayey sheegtay Sonna in ay ku dhinteen ilaa 10-dagaalyahana oo labada dhinac katirsan sidoo kale ay ku dhaawacmeen dagaalyahano kale.

Ilo ka tirsan sirdoonka Qaranka ayaa SONNA u sheegay dagaalka markii uu dhacay kaddib Al Shabaab amaro cusub ay ku soo rogeen dagaalyahanadooda iyo saraakiisha hoggaamisa ee jooga Xarardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug.

Amarada Al Sahbaab soo saareen ayaana wakaaladda sheegtay in ay kamid yihiin in gaadiidka dagaalka ee kooxdaasi aan laga qaadi karin goobaha ay yaalaan sidoo kale dagaalyahanada Al Shabaab aysan ka tagi karin goobaha lagu ogyahay.

Warkan aan kasoo xigannay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaan jirin cid kale oo ka hadashay ama faahfaahin ka bixisay, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo Al Shabaab kasoo saartay dagaalkan la sheegay in uu dhax maray dagaalyahanadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -