Axmed Madoobe oo Dacwad ka gudbiyay Senator Fartaag iyo Maxamuud Sayid oo Muqdisho yimid

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dacwad ka dhan ah senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag u gudbiyay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sida aan xogta ku helnay Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay Fartaag in dhibaato ka dhan ah maamulkiisa ka wado gobolka Gedo, waxa uuna ka dalbaday guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi in uu faragaliyo tallaabana ka qaado senatorka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa wararku sheegayaan in si degdeg ah ula xiriiray Senator Fartaag , waxa uuna ka codsaday in si degdeg ah ku yimaado magaalada Muqdisho si ay uga wada hadlaan xaalado taagan.

Cabdi Xaashi ayaana u sheegay senator Fartaag in tallaabo adag uu mudan doono haddii uu ka dhaga adeego amarkiisa kuna soo laaban waayo magaalada Muqdisho, taa oo loo qaatay in senatorka suurto gal tahay in xilkiisa ku waayo amar diidada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo wali ku sugan Muqdisho ayaa madaxda sare ee dalka kala hadlaya sidii gacanta maamulkiisa loogu soo celin lahaa gobolka Gedo, waxaana wali socda kulamo arrintaasi la doonayo in xal looga gaaro.

Dhinaca kale magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo qeyb ka ah kulamada xalka loogu raadinayo sidii Jubbaland gacantooda loogu soo celin lahaa gobolka Gedo.

Gobolka Gedo waxaa dhawwaan gaaray Senator Fartaag iyo xubno kale ay kamid ahaayeen wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, waxaana safarkaasi ka carrooday maamulka Jubbaland oo u arka siyaasiyiintan in caqabad ku yihiin la wareegidooda Gedo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -