Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dayuuradaha Maraykanka oo xalay mar kale duqeeyey degaano ka tirsan Mudug

Dayuurado dagaal oo la aaminsan yahay iney leeyihiin ciidamada Maraykanka ayaa xalay mar kale duqeeyey fariisimo kooxda Al-shabaab ku leeyihiin degaano ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in tuulada Miiroon oo ku taalla inta u dhexeysa degaanka Caad iyo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ay duqeysay dayuurad dagaal.

Duqeyntaasi ayaa la sheegay inuu  ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo ilaa iyo hadda aan la xaqiijin tirakoobka rasmiga ah.

Waa duqeyntii  Sadexaad muddo 24 saac gudahood ah oo dayuuradaha dagaalka Maraykanku ka fuliyaan degaano ka tirsan Gobalka Mudug.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in duqeymo ay ka fuliyeen habeen hore degaan u dhow Xarardheere ay ku dileen 37 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa xoojiyey bilahan dambe weerarada dhinaca cirka ah ee ay la beegsadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab ee bartamaha iyo koonfurta Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biden oo qaaday talaabo ay ku dhiiran waayeen Madaxdii ka horeysay

Caydiid Ali

C/kariin Guuleed oo weji kale u yeelay Dibed-baxa Jimcaha laga qorsheynayo Muqdisho

admin

Amarka lagula wareegayo Iskuulka 15-ka May oo la sheegay in lagu raali galinayo Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---