Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay Gaalkacyo & faahfaahino ka soo baxaya

Nabadoon ka tirsanaa kuwa degaanka ayaa caawa lagu dilay woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug sida ayu sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Marxuum Cabdiqani Xassan Waloore lagu dilay meel aan ka fogeyn hoygiisa wax yar ka dib markii uu ka soo baxay Masaajidka Macmuur oo ku yaalla xaafadda Garsoor oo uu ku soo tukaday Salaadda Cishaha sida ay sheegeen dad goob joogayaal.

Rag bastoolado ku hubeysan oo sida la sheegay dilay nabadoonka ayaa goobta ka baxsaday waxaana socda baaritaano iyo dabagal ay wadaan ciidamada amaanka Puntland.

Masjidka Macmuar ayaa waxaa horey loogu dilay nabadoonka caawa la dilay aabbihiis.

Nabadoonka la dilay oo ka mid ah waxgaradka magaca ku leh gobolka Mudug ayaa waxaa dilkiisa ka xumaaday shacabka magaalada Gaalkacyo

 

Related posts

Musharaxiinta oo ka hor yimid muddo kororsiga, taageerana u muujiyey Saadaq Joon

Caydiid Ali

Sadex Arimood ka Ogow gantaalka Shiinaha ka baxsaday ee Dunida cabsida galiyay

Cabdi Cade

Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii Riyadh ee Ruushka & USA?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---