Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) DF oo shaacisay iney qoraneyso kumanaan shaqaale cusub

Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Somalia ayaa shaacisay iney qaadaneyso Macalimiin cusub oo wax ka dhigaya iskuulada ay ay gacanta ku heyso

Talaabadan ayaa ka dambeysay ja dib markii la kordhiyey Miisaaniyada Wasaarada waxbarashada oo qeyb ka aheyd miisaaniyada sanadka soo socda ee 2023, taasoo uu maalmo ka hor ay ansixiyeen Xildhibaanada golaha shacabka.

“Wasaaradda, Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya,waxaa ay soo dhoweyneysaa talaabada wanaagsan oo ay qaadeen baarlamaanka labadiisa aqal” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda.

Qoraalka laguma sheegin halka ay ka howlgeli doonaan macalimiinta cusub, maadaama Wasaarada ay gacanta ku heyso iskuulo kooban oo fara ku tiris, waxaase iska cad in dowladu ay dib ula soo wareegeyso iskuulada gacmaheeda maqan ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ismaaciil Aadan Cismaan (Al-Hashimi) oo xil sare loo Magacaabay

Caydiid Ali

Tartankii orodka gaaban ee Marathonka oo saaka Muqdisho ka dhacay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Hormuud Salaam Foundation oo $50,000 ugu deeqday Abaaraha ka jira Gedo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---