Akhriso: Sheekada Lammaane 10 bil gudaheed isku dhalay 11 carruur ah! (Sawirro)

Hooyo u dhalatay waddanka Ruushka oo 23 jir ah ayaa noqotay 11 dhal muddo 10 bilood gudahood ah kaddib markii ay adeegsatay caloosha hooyooyin kale si ay ugu ximbaaraan ubadkeeda.

Hadafkeedu wuxuu ahaa inay si dhaqsiinyo leh ugu dhasho ubad tiro badan.

Christina Ozturk waxay wax dhal ku noqotay da’da 17 jirka markii ugu horreysay oo ay ku dhashay gabadheeda Vika. Hayeeshe, kadib markii ay guursatay maalqabeenka Galip Ozturk, oo 56 jir ah, waxay u jeelqabootay inay la dhisto qoys ballaaran.

Sidaas darteed, waxay adeegsatay 10 haween ah inay calooshooda ugu sidaan ubadkeeda ilaa dhalmada si ay u hesho 10 carruur ah muddo 10 bilood gudahood ah. Dhallaankii ugu horreysay oo habkaas ugu dhasha waxaa la yiraahdaa Mustafa, waxaana la dhalay bishii March sannadkii hore, halka ka ugu dambeeya ubadkeeda uu bil jirsanayo.

Christina iyo Galip ma oga inta ay isku dhali doonaan mustaqbalka, hayeeshe way iska cadahay inaysan ku ekaan doonin 10 carruur oo kaliya.

“Lix sano kahor ayaan dhalay curadayda, carruurta intooda kale hidde-sidkoodu waa midkayaga. Waxaase lagu qaaday caloosha haween kale, hadda waxaan noo jooga 10 ubad ah oo Olivia uu yahay midkii ugu dambeeyey ee nagu soo biira,” ayay tiri Christina.

Nasiibka ayaa labadooda ku kulmiyay fasax dalxiis oo ay ku joogeen jaziirad yar, halkaas oo ay ku heshiiyeen inay isku guursadaan.

56-jirka Galip Ozturk, oo asal ahaan kasoo jeeda Turkiga, wuxuu sheegay in Christina ay ahayd nuuca uu xaas ahaan u dooni jiray weligiis. In kasta oo kala duwanaanta xagga da’da ay aad u kala fogaayeen, laakiin ujeedada ah inay ku midoobaan nolosha ayaa ka dhigtay kuwo si dhab ah iskugu xirma.

Markii hore, qorshaha lammaanaha wuxuu ahaa inay sannad kasta dhalaan hal cunug. Laakiin taas uma arkin mid suuragali karta. Sidaas darteed. maadaama haweenka surrogate-ka la yiraahdo oo ilmo aan dheecaankooda ahayn ku qaada uurkooda sharci ahaan laga ogol yahay gudaha Ruushka taniyo 1997, waxay ka dhex arkeen fursad.

Waxay haweeneydiiba kula heshiiyeen adduun dhan 10,000$. Saxaafadda ayaa ku waramaysa in lammaanaha ay qorsheysteen inay isku dhalaan 105 carruur ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -