Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Shacabka Laascaanood oo dhigaya Dibad baxyo rabshado wata iyaga oo wata Calanka Soomaaliya (Sawirro)

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa ka socda dibad baxyo rabshada wata oo ay dhigayaan shacabka magaaladaasi, waxaana dibad baxayaasha taayaro ku gubayaan waddooyinka magaalada halka waddooyinka qaarna dhagxaan ku xireen.

Dadka bannaan baxa dhigaya oo u badan dhallinyaro ayaa wata calanka Soomaaliya, waxa ayna dibad baxayaasha ku dhawaaqayaan ereyo ka dhan ah maamulka Somaliland oo magaaladaasi ka arrimiya.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa mararka qaar rasaas ku ridaya dadka dhigaya banaan baxyada rabshadaha wata, waxaana sii kordhaya dadka magaalada isugu soo baxay ee naceybka u muujinaya maamulka Somaliland.

Waxaa maanta xiran inta badan ganacsigii magaalada Laascaanood ka jiray, waxaana magaalada tahay mid kacsan ay ka socdaan bannaan baxyo rabshada wata oo ay dhigayaan dad carreesan.

Ciidamada Somalilanda ayaa dilay saddex qof oo kamid ahaa dadkii bannaan baxa ka dhigaya magalaada Laascaanood saddexdii maalin ee lasoo dhaafay, waxaa sidoo kale jira dad kale oo dhaawaceen ciidamada oo isbitaalada jiifa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Danjire Rahul Chabbra oo gaaray Garowe & Madaxweyne Deni oo qaabilay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Cida ka Dambeesay weerarki xagga internetka ee lagu qaaday Mareykanka oo la ogaaday

Cabdi Cade

Ma mooddaa in Madaxda Dowladda uu ka muuqdo jil jileec halis gelin kara madaxbanaanida dalka ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---