Faahfaahin: Maleeshiyo hubeysan oo weerartay saldhiga Booliska Buulo Burde

Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxda Macawisley ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen saldhiga booliska degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Weerarka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaadkan ay isku dayeen inay xoog ku soo furtaan mid ka mid ah kooxda Macawisley ee halkaasi ku xirnaa.

Wararka ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macawisleyda ee ku sugan degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, waxaana jira warar jira warar sheegaya in ciidamada Macawisleyda ee weerarka geystay ay ka amae qaataan guddoomiyaha degmadaas.

Xaalada degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ayaa saaka degan ka dib iska horimaadkii xalay halkaas ka dhacay, mana jiro war ku saabsab dhacdadan oo ka soo baxay maamulka iyo saraakiisha amniga degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -