Israa’iil oo Shaacisay waqtiga suurto gal ah ay weerar ku qaadi karaan xarumaha Nukliyeerka Iran

Maamulka Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday suurtogalinimada weerar ay ku qaadaan Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran, gaar ahaan xarumaha qarsoodiga ah ee nukliyeerka ee Iran leedahay.

Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ayaa sheegay in suurto gal tahay weeraro ay ku qaadaan xarumaha nukliyeerka Iran, waxa uuna xusay in suurto gal tahay in weeraradaasi fuliyaan labo ama saddex sanno gudahood.

“Laba ama saddex sano gudahood, waxaa laga yaabaa inaad cirka kasoo gudubtaan oo aad weerar ku qaadaan goobaha Nukliyeerka ee Iran,” ayuu wasiirka difaaca Benny Gantz u sheegay ardayd ka qalin jabinaysay ciidamada cirka.

Xukuumadda Tahran ayaa lagu eedeeyay in ay kor u qaadeen kobcinta uranium-ka, habka isticmaalka rayidka ah kaas oo ugu dambeyntii soo saari kara shidaalka bambooyinka nukliyeerka , walow Iran diidan tahay  naqshad noocaas ah.

Iran ayaa marar badan ku eedeesay Israa’iil fulinta weeraro lagu qaafay xarumahooda Nukliyeerka, waxa ayna Iran marar badan dhankeeda ku hanjabtya weeraro ay ku qaado dhulka Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -